Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay u mahad celiyey dowladda Iran

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa Iran uga mahadceliyay sii deynta muwaadin reer Mareykanka ah oo Iran muddo laba sannadood ka badan u xirnaa.

Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay ayuu Trump ku sheegay in sii deyntii askariga ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ay muujinayso inuu meel maray heshiiskii isweydaarsiga maxaabiista.

Iran ayaa iyadana loo soo daayay seynisyahan Sirous Asgari oo Mareykanka ku xirnaa isagoo loo haystay inuu jaamacad Mareykanka ku taal ka xaday qalabka baaritaanada ee seyniska. Waxaana si deyntiisa soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.

Michael White ayaa la xiray 2018-kii isagoo doonayay inuu la kulmo saaxibadii oo ku sugnayd magaalada Mashhad ee dalkaasi Iran, balse lama shaacin sabata loo xiray.

Trump ayaa Bishii May 2018-kii, wuxuu ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran, wuxuuna dib u soo celiyay cunaqabateynta dhaqaalaha ee dalkaas saaran. Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in tallaabo midaa la mid ah uu ka qaadayo dalalka iibsada shidaalka ay Iran soo saarto, taasina waxay sababtay cadaawad weyn oo labada dal u dhexeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -