Allbanaadir.com
NEWS

Madaxa ATMIS, Saraakiil iyo safiirka Uganda oo booqday Ciidan Al Shabaab dhaawaceen (Sawirro)

Wakiilka gaarka ah ee golaha Midowga Afrika ahna Madaxa hawlgalka  ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa booqday dhaawacyada qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Buulamareer.

Madaxa howlgalka ATMIS waxaa booqashadiisa ku wehliyay safiirka dowladda Uganda u jooga Soomaaliya Sarreeye Gaas  Nathan Mugisha, iyo Taliyaha ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding.

Masuuliyiintan booqatay dhaawacyada ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ayaa warbixin laga siiyay xaalada askarta dhaawacyada qaba, waxa ayna saraakiisha xaalada ciidankan gacanta ku haya sheegeen in xaaladooda soo hagaageyso.

Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Gen. Nathan Mugisha, ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay ku adkeysanayaan go’aankooda ah inay sii wadaan howlgalladooda nabad ilaalinta, kadib weerarkii lagu qaaday saldhigooda Buulamareer.

“Waxaan gacanta ku haynaa xaaladda, dib-u-qiimeynta, iyo u socoshada sidii loo qorsheeyay. Dhacdadu nagama jeedin doonto. Waxaan sii wadi doonnaa geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya, annagoo taageernayna Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale, iyo isbeddel,” ayuu yiri Maj. Gen.Mugisha.

Dowladda Uganda ayaa qiratay askar badan iyo saraakiil looga dilay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhigaooda Buulamareer, waxa ayna Al Shabaab oo weerarkaasi geesataY sheegeen in ay dileen in ka badan 137 askari oo katirsan ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Daah furay Manhajka Dugsiyada sare ee dalka (Daawo Sawiiro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta uu u qaadacay shirka Muqdisho ka furmay

Caydiid Ali

Soomaali ku gubtay gaari uu watay oo meydkiisa laga helay gobolka Minnesota

Caydiid Ali