Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Yuhuuda oo duqeeyay Gaza ka dib gantaalo lagu weeraray

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey ka soo daray Xaaladda Magaalada Qudus, marinka Gaza iyo degaanada Yuhuudda ka dib xadgudubkii ay ciidamada Yuhuudda kula kaceen dadka muslimiinta ah ee ku cibaadeysanaya Masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, Qudus.

Falastiiniyinta hubeysan ee fadhigoodu yahay magaalada Gaza ayaa iyagoo ka jawaabaya xadgudubka ciidamada Yuhuudda ka wadaan Masjidka Al-Aqsaa ayey caawa bilaabeen inay gantaallo ku weerarraan magaalooyinka Israa’iil, waxaana tobanaan Gantaal lagu riday magaalooyinka ku dhow Marinka Gaza, waxaa kaloo gantaaluhu ku dhaceen Galbeedka Qudus.

Diyaaradaha Yuhuuda ayaa iyaguna weerarray Marinka Gaza, waxaana weli socda weerarrada labada dhinac, iyadoo marinka Gaza ay Yuhuudu ku dishay 9 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah, taliye ciidan.

Xaaladda ayaa weli kacsan waxaana socda weerarrada gantaallaha kooxaha Falastiin ku qaadayaan magaalooyinka Israa’iil iyo weerarrada duqeynta ah ee diyaaradaha dagaalka Yuhuudda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo Nairobi kasoo qabtay Sufyaan Taakeeye iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade

Wasaarada Arrimaha dibeda DF oo War cusub ka so saartay dagaalkii Belad-xaawo (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiirka difaaca Kenya oo booqday Magaalada Kismaayo, lana kulmay..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---