Allbanaadir.com
JUBALANDMUQDISHONEWS

Wasaarada Arrimaha dibeda DF oo War cusub ka so saartay dagaalkii Belad-xaawo (Akhriso)

Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia ayaa caawa war cusub ka soo saartay dagaalkii manata ka dhacay degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo, kaasoo dhexmaray ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo uu horkacayey Cabdi Janan Wasiirka amniga Jubbaland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN

Dowladda Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyuo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo  sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada.“Dib baan idinkala soo socodsiin doonaa wixii soo kordha”

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Caydiid Ali

Mareykanka oo shaaciyay in Weerarkii Calmiskaad ku dileen Axmed Maeleninine iyo xubno kale

Cabdi Cade

Akhriso Hanaanka loo maro Xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---