Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku dhax maray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo safiirka cusub ee dowlada Itoobiya dhawaan usoo magacawday Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka Dhax maray Madaxweyne Qoor Qoor iyo Safiirka Itoobiya ayaa ahaa kulan isbarasho iyo kala warqaadasho , waxa ayna labada masuul sidoo kale kulankooda uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya  .

Safiirka cusub ee dowlada Itoobiya usoo magacawday magaalada Muqdisho oo ah nin Soomaali ah ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar.

Itoobiya ayaa xiligan saameyn muuqata ku leh gudaha Soomaaliya, waxaana xiriir hoose oo wada shaqeyn ah xiligan u dhaxeeya Madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya Farmaajo iyo Abiy Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Muuqaalada Weeraro kala duwan ay ka fuliyeen Kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DF oo Magacowday guddigii farsamo ee lagu heshiiyey shirkii Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Wasiiro iyo Xildhibaano Baaq kasoo saaray xaalad adag oo ka jirta Gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---