Wasiiro iyo Xildhibaano Baaq kasoo saaray xaalad adag oo ka jirta Gobolka Gedo

Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa manta isugu yimid kulan gaar ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayeen xaaladda abaareed ee ku habsatay gobolka Gedo.

Masuuliyiintan ayaa baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bixiya, iyagoona ka codsaday in la gar gaaro shacabka reer Gedo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaa halkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ayaa ka dhawaajiyey in dadka daga Gobolka Gedo ay u baahan yihiin gar-gaar bani’aadannimo, maadaama ay soo food saartay xaalad aad u liidata.

“Waxa ugu horreeya ee loo bahaan yahay waxa ay tahay in dadkaan ay haysto abaarta foosha xun in lala gaaro biyo dhaamin si ay u noqoto dhiig joojin, waxaana sidoo kale baaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaliyeed u ku dhaqan dalka dibaddiisa ee ka soo jeeda Gedo in gar-gaarkan ay qayb wayn ka qaataan” ayuu yiri wasiir Hilaal.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim, ayaa sidoo kale sheegay in ka wasaarad ahaan gacan muuqata ay ka gaysan doonaan dhibaatada ka jirta Gobolka Gedo, gaar ahaan dadka ka soo barakacay guryahooda ee ku dhibaataysan deegaanno hoos taga Gedo.

“Dadkaan dhibaataysan waxay u baahan yihiin in qof kasta waxa uu awoodo in uu soo la gaaro, dadkan waxa haysata waxaa ka mid ah calool xanuun oo ceelashii biyahooda ayaa is baddalay”, ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Daahir Carab oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in cod dheer ay ugu sheegayaan dowladda Soomaaliya in dadkaas ay la gaaraan gar-gaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin, maadaama dadku ay dhibaato haysato dadka daga deegaannada uu ka kooban yahay Gedo.

Xildhibaan Carab ayaa madasha ka yiri “Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Gar-gaarka bixiya iyo cid kasta oo wax ka qaban karta dhibaatada haysata dadka daga gobolka Gedo waxaan ku baaqayaa in ay la gaaraan biyo dhaamin iyo sidoo kale raashin ay cunaan”

Saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo waxaa kaa taagnaa Abaaro salfatay dadkii iyo duunyadii waxayna baaq u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo ka jawaabi karta baaqooda.Was

- Advertisement -