Gantaalkii kasoo fakaday dowlada Shiinaha oo dhulka kusoo dhacay (Xagee ku dhacay)

Gantaalkii  LONG MARCH 5B ee dowlada Shiinaha hawada sare u dirtay balse soo fakaday ayaa ugu dambeyn xalay soo dhacay , waxaana hada meesha ka baxday cabsidii badneyd ee laga qabay in gantaalkaasi kusoo dhaco meelo dad joogaan uuna khasaaro geesto.
Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa ku waramaya in bur burka gantaalkaasi uu xalay kusoo dhacay Badweynta Indian Ocean meel u dhaw Waqooyiga Jasiirada Maldives, waxa ayna Warbaahinta Shiinaha sheegeen in uusan khasaaro geesan.
 
Gantaalkan ayaa  soo dhacay xalay markii saacadu Geeska Afrika ahayd 10:24PM, waxaana gantaalkaasi la sheegay in hawada sare kusoo bur buray ayna qeybo kamid ah kusoo dhacay badweynta Indian Ocean.
Gantaalkan dhulka kusoo dhacay ee dowlada Shiinaha hawada sare u dirtay 29-kii bishii hore April ayaa culeyskiisu u dhaxeeyay 18 ilaa 22 ton, lamana oga sababta keentay in gantaalkan si lama filaan ah usoo fakado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -