Fadeexad ku soo baxday Garsoorayaal & Mas’uuliyiin ka tirsan xiriirka K/Cagta Afrika (CAF)

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa sheegay in Aden Range Marwa oo u dhashay Kenya kana mid ah garsoorayaasha loo xushay qabashada koobka adduunka aanu ka qeybgeli doonin tartankaasi ka furmaya Ruushka, ka dib markii muuqaal laga duubay asagoo qaadanaya 600 oo dollar oo hadiyad lagu tilmaamay.

Waxaa lacagtaasi Marwa siiyay weriye si qarsoodi ah u hawlgalayay oo isaga dhigay inuu ka tirsan yahay maamulka koox ka dheesha dalka Ghana. Garsooraha ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Kwesi Nyantakyi oo ka tirsan guddiga FIFA una dhashay Ghana, ayaa sidoo kale ka mid ah dadka lagu helay fadeexaddan. Ninkan oo ah kan labaad ee ugu awoodda badan kubadda cagta ee Afrika, ayaa la arkay asaga oo lacag dhan 65 kun oo dollar ka qaatay weriye isaga dhigay inuu doonayo maalgashi uu ku samaysto kubadda cagta ee Ghana. Kwesi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arinkaasi.

Guud ahaan, in ka badan boqol qof oo isugu jira garsoorayaal iyo mas’uuliyiin sarsare ayaa muuqaal laga duubay ayaga oo qaadanaya lacago khilaafsan shuruucda FIFA iyo kuwa xiriirka kubadda cagta ee Ghana.

Muuqaalladan uu duubay weriyaha Ghana u dhashay ee Anas Aremayaw Anas ayaa dhaliyay in su’aallo badan la iska weydiiyo qaabka loo maareeyo kubadda cagta Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -