Faahfaahin: Meydka gabar yar oo laga helay duleedka Magaalada Cadaado

Deegaanka Godinlabe oo ku yaalla duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay waxaa lagu arkay meydka Gabar yar oo lagu qiyaasay 10 sano jir.

Gabadha yar oo Meydkeeda lagu arkay meel banaan oo ka tirsan degaanka ayaa markii dambe la aqoonsaday, waxaana magaceeda lagu sheegay Sagal Garaad Axmed, iyadoo meydkeeda uu ka muuqday jirdil xoogan oo loo geystay dilka ka hor.

Dhacdadan ayaa saaka si weyn looga hadal hayaa degaanka Godinlabe, iyadoo dadku isweydiinayaan cida dishay gabadhaas iyo waxa ay galabsatay.

Ehelada gabadha yar oo aad u murugeysan ayaa waxay sheegeen ineysan garaneyn cida dishay Gabadhooda iyo sababta loo dilay midna, iyagoo maamulka deegaanka Godinlabe ka dalbaday in la baaro cida ka dambeysa falka dilka ah oo lagula kacay gabadhooda.

Dhacdadan oo ah mid ku cusub degaanka Godinlabe ayaa waxaan illaa hadda ka hadlin maamulka iyo saraakiisha amniga ee degaankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -