Caro ka dhalatay cod sir ah oo laga duubay Wasiirka arrimaha dibadda Iran

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa cafis weydiistay qoyska Qasem Soleimani kadib markii warbaahinta loo dusiyay cod sir ah oo uu ku sheegay in taliyaha la dilay uu door aad u weyn ka ciyaaray diblomaasiyadda.

Soleimani, oo ahaa taliyihii qeybta howlgallada dibadda ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay dalka Ciraaq.

Warbaahinta dibeda ayaa  baahiyay cajalad maqal ah oo muddo saddex saac socotay oo laga duubay Wasiirka Arimaha Dibada Mohammad Javad Zarif, taasi oo dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida.

Cajaladda maqalka ah, ayuu Zarif kaga hadlay militariga inay saameyn badan ku leeyihiin diblomaasiyada, wuxuuna xusay doorka muuqda ee uu ciyaaray Soleimani.

Codkan laga soo duubay wasiirka arrimaha dibedda Iran, Javad Zarif, ayaa  dhaleeceynaya Ilaalada Kacaanka Iran, wuxuuna sheegay in iyaga ay sii adkeenayaan dadaalada diblomaasiyeed ee xukuumadda Tehran.

Mr Zarif wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay General Qassem Soleimani – oo ahaa taliyihii militariga ee awooda badnaa ee lagu dilay weerarkii Mareykanku ku qaaday magaalada Baqdaad sanad iyo bar ka hor.

Wasiir Zarif wuxuu sheegay in Janaraal Qaasim Sulaymaani uu Iran geliyay dagaalka Suuriya si ay u caawiso Ruushka.

Zarif ayaa dhaleeceyn kala kulmayay siyaasiyiinta muxaafidka ah iyo warbaahinta kadib markii codkaas la dusiyay iyadoo hadallada Soleimani ay yihiin kuwa aad looga carooday.

- Advertisement -