Dowlada Somalia oo u digtay siyaasiyiin ku howlan fashilinta dedaalada RW Rooble

Xukuumadda Somalia ayaa dingiin u dirtay siyaasiyiin ay ku eedeysay inay faraha kula jiraan qorsheyaal lagu fashilinayo dedaalka uu wado RW Rooble

Wasiir ku xigeenka Warfanta xukuumadda xilka sii heysa ayaa Warbaahinta dowladda ka akhriyey farriin uu sheegay inay ka timid Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, isagoo sheegay in arrimaha ciidamada loo xil saaray Ra’iisal wasaaraha, uuna amar ku bixiyey in magaalada Muqdisho laga saaro, lana baabi’iyo astaamaha colaadeed.

Wuxuu u digay siyaasiyiin uu sheegay inay is og yihiin iney faraha kala baxaan arrimaha ciidamada.

“Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ay gadaal ka taagan yihiin siyaasyiin doonaya inay fashiliyaan dadalka Ra’iisal Wasaaraha, siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadkaas waxaan uga digeynaa iney ka waantoobaan; looma dulqaadan wixii hadda ka dambeeya” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiir ku xigeenka Wasaardadda Warfaafinta oo farriinta Ra’iisul Wasaaraha Warbaahinta u akhrinayay ayaa tilmaamay  in xal laga gaaray arrimihii ugu waaweynaa ee siyaasiyiintu diidanaayeen loona baahneyn in dhibaatooyin cusub la abuuro

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -