DEG DEG: Rooble oo shir isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada & G/Banaadir

Afhayeenka Xukuumada Somalia ayaa sheegay in RW Rooble oo ka duulaya heshiiskii 17kii Septembar uu casuumaad u kala diray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir si loo dar-dar geliyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Sababaha xiligan loo qaban waayey ee 20ka bishan loo gaarsiiyey waxay tahay bisha Ramadaan oo 10-kii dambe lagu jiro, munaasabada ciida oo galaysa iyo soonka wadaca ah ee xiga sidaas awgeed wadatashiyo RW la sameeyey madaxdaas waxaa la isla gartay in xiligaas uu ku haboon tahay shirka” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Raā€™iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxiixeyaasha heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee kasoo baxay shirkii Baydhabo ee 16-kii Febraayo 2021.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Madaxweyne Farmaajo uu ka laabtay qorshe muddo kordhin labo sano ah oo Baarlamanku u sameeyey ka dib markii dowlad goboleedyada, beesha caalamka iyo mucaaradka DF ay ka hor yimaadeen, qalalaase xoogana uu ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -