Allbanaadir.com
NEWS

DF oo la wareegtay Gaadiid Gaashaaman & qalab Milateri (Sawirro)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoontay Midowga Afrika shixnad milatari oo u muuqda kuwo horey loo soo isticmaalay

Qalabka oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman, koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabadda karin, gaari ciidanka daabula, gaadiidka xambaara booyadaha shidaalka iyo biyaha, matoorro, shixnado dawo ah, iyo agab kale oo muhiim ah oo xoojinaya kaabayaasha amniga, kana qayb-qaadanaya xasilloonida dalka

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa agabkani kaga guddoomay magaalada Douala ee dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo magaca (CLB).

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika taageeradiisa joogtada ee qiimaha leh, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, horumarinaysa hey’adaha dowladda, kor-u-qaadaysa dadaalka la dagaalanka argagaxisada, xaqiijinaysa hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta, adkaysiga iyo horumar muddo dheer jira oo ka taaba-gala guud ahaan qaaradda Afrika” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia

Related posts

Shacabka magaalada Muqdisho oo niyad jab xoogan lasoo darsay

Cabdi Cade

Xildhibaan isaga oo cabsan gaari kaxeeyay oo is casilay raaligelina bixiyay

Cabdi Cade

Maamulka farmaajo & mucaaradka oo wado qorshe ka dhan ah dowladnimada & Al shabaab oo lagu qabtay ….!!

admin
Taboola Ads ---