Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada golaha shacabka oo ka laabtay Sharcigii Jiheynta Doorashada ee Mudo kororsiga

Waxaa maanta kulan aan caadi aheyn xarunta Villa Hargeysa isugu yimid Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, kadib markii Madaxweynaha codsaday in Xildhibaanada la hadlo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaanada in ay ka laabtaan sharciga jiheynta doorashada dibna loogu noqdo heshiiskii dooorashada ay horey u gaareen Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada .

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamanaka federaalka ayaa waxaa joogay ilaa 140-Xildhibaan, waxa ayna Xildhibaanada cod u qaadeen ka noqoshda sharciga jiheynta doorashada ay horey u meel mariyeen Xildhibaanada

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa shaaciyay in ka noqoshada sharciga jiheynta doorashada u codeeyeen ilaa 140-Xildhibaanb, waxa uuna cadeeyay in aysan jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Ugu dambeyn waxaa meesha ka baxay sharcigii jiheynta dooarshada , waxa ayna Baarlamaanka Soomaaliya mar kale u codeeyeen in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ay wada gaareen DF iyo mamaul goboleedyada 17-kii september ee sanadkii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/-u1zjySi5Hw

Related posts

Dalkii 6aad ee ka tirsan qaarada Afrika oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Dugsiga Amiin Quran Online oo Wargelin cusub oo Muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Sidee shacabka Muqdisho ugu diyaar garoobeen soo dhoweynta Munaasabada Ciidul adxaa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---