Kaluumeesato Kenyan ah oo lagu qasbay in ay Cunaan Kaluun Ceyriin ah iyo Sababta keentay

Kaluumeesato u dhalatay dalka Kenya oo lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah uga kaluumeesteen Harada Victoria, gaar ahaan  qeybta dalka Uganda ayaa lagu qasbay in ay cunaan kaluun ceyriin ah .

Booliiska dalka Uganda oo gacanta ku dhigay kaluumeesatan u dhalatay dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ku qasbeen in ay cunaan kaluun ay soo dabteen oo ceyriin ahaa si ay ciqaab uga dhigaan.

Qaar kamid ah kaluumeesatadan ayaa Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya u sheegay in booliiska Uganda ee qabtay ugu hanjabeen in ay dili doonaan hadii aysan cunin kaluunka ceyriinka ah.

Kaluumeesatadan ayaa sheegay in loola dhaqmay si ka baxsan bini’aadanimada, waxa ayna xuseen in laga bur buriyay doomankii ay ku kaluumeesanayeen iyo sidoo kale qalabkii u saarnaa.

Harada Victoria ayaa marar badan waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya Kaluumeesatada kasoo kala jeeda Uganda iyo Kenya, waxaana isku dhacaasi keena in kaluumeesata ay xadka ka kala gudbaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -