Maxay salka ku heysaa fadeexada la soo deristay RW Boris Johnson & baaritaanka socda?

Fadeexadda gidaarrada guriga Ra’iisul Wasaaraha, mushkilad hareysay mustaqbalka Boris Johnson.

Yaa markii ugu horreysay billaabay bixinta kharashka dayactirka apartamentada Downing Street ku taal?

Su’aashaas Boris Johnson waa uu diiddan yahay in uu si saraaxad leh uga jawaabo, waxana uu leeyahay aniga ayaa jeebkayga ka bixiyay kharashka dayactirka guriga aan degganahay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha dalka Ingiriiska Keir Starmer waxa uu taagan yahay: Dibba aad ka bixiside, biilkii ugu horreeyay ee dayactirka guriga aad deggan tahay yaa bixiyay? Boris waa uu ka meermeerayaa jawaabta su’aashaas, guddiga doorashooyinka dalka Ingiriiskuna baaritaan arrinta ku saabsan buu billaabay.

Haddaba, sidee wax u jiraan?

Ra’iisul Wasaarsha Ingiriisku waxa uu mushaar ahaan sanadkii u qaataa £150,000. Waxa kale oo uu gunno ahaan u qaataa £30,000 sanadkii, lacagtaas oo uu u adeegsan karo qalabeynta iyo dayactirka degaankiisa 11 Downing Street, taas oo ah apartamento dhacda dusha sare ee xafiiskiisa 10 Downing Street.

Boris Johnson iyo saaxiibtiis Carrie Symond waxa la rumeysan yahay inay dayactirka degaanka ay labadooda carruurta ah iyo iyagu ku nool yihiin ku bixiyeen adduun dhan €200,000, waxana lagu eedaynayaa in kharashka dayactirkaas jeebka dowladda laga bixiyay.

Apartamentada 11 Downing Street oo ah tan ugu caansan dalka Ingiriiska, kana kooban 4 qol oo Jiif ah, waxay degaan u noqotaa Ra’iisul Wasaare kasta oo dalka soo mara. Gabadha ay saaxiibbada yihiin Boris Johnson waxay apartamentada oo ay ka dhaxleen Theresa May ku tilmaantay mid si aad ah u bahdilan oo uu yaallo firaashkii rakhiiska diyaarka ahaa ee John Lewis.

Dominic Cummings oo ah La-Taliyihii hore ee Boris Johnson waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay in ay u qorshaysnayd in si aan sharciga waafaqsanayn uu doonayay in uu lacag tabartucaad ah ugu aruuriyo dayactirka degaankiisa, keddib markii kharashka dayactirkiisu uu gudbay xadkii ay dowladdu u qorshaysay oo ahaa £58,000.

11 Downing Street Tony Blair baa sanadihii uu talada hayey ku dayactirka £285,000, Gordon Brown £86,000, David Cameron £92,000, Theresa May £25,000.

Sabriye Musse
moqokori@gmail.com

- Advertisement -