Tartanka Super League oo fashilmay kadib markii ay ka baxeen Kooxihii Ingiriiska

Dhamaan kooxaha ka ciyaara horyaalka Britain ee Premier League ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay ka baxeen tartanka Super League, kaddib dhalleecayn ba’an iyo mudaharaadyo ay la kulmeen.

Chelsea iyo Manchester City ayaa xalay fiidkii ku dhawaaqay in ay ka noqdeen tartankaas oo ay ka mid ahaayeen 12kii kooxood ee aas-aasay, waxaana hadda soo raacay afarta kooxood ee kale ee Premier League ee iyaguna qaybta ka ahaa.

War-saxaafadeedyo kala gooni-gooni ah oo ay soo saareen Manchester United, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham ayay ku sheegeen in ay iyagoo tixgelinaya taageereyahoodooda.

Manchester United

Manchester United ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku tidhi: “Manchester United kama qayb geli doonto tartanka European Super League. Waxa aanu si taxadar leh u dhegaysanay falcelinta ka timid taageereyaashayada, dawladda UK iyo saamiileyaasha kale ee muhiimka ah.

“Waxa naga go’an in aanu la shaqaynayo bulshooyinka kale ee kubadda cagta, si loo gaadho xalalka muddada dheer ee caqabada ay ciyaaruhu waajahayaan.”

Liverpool

War-saxaafadeed ay soo saartay Liverpool ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Kooxda kubadda cagta Liverpool waxay xaqiijinaysaa in ku lug-lahaanshahayagii qorshihii lasoo jeediyey ee lagu unkayay tartanka European Super League aanu sii soconayn.”

Arsenal “Qalad ayaanu samaynay”

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa war-saxafadeedka ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay samaysay qalad, waxaanay tidhi: “Maalmihii ugu dambeeyey waxay noo muujiyeen dareenka qotada dheer leh ee taageereyaashayada wanaagsan ee kooxdani ku leedahay dunida oo dhan iyo ciyaaraha aanu jecel nahay.

“Kaddib markii aanu idin dhegaysanay (taageereyaasha), iyo bulshooyinka kubadda cagta ee maalmihii ugu dambeeyey, waxa aanu ka baxnay tartanka Super League. Waxa aanu samaynay qalad, waxaananu ka bixinaynaa raalli-gelin.”

- Advertisement -