Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii ka dhacday Garawe Baaqna diray

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garawe oo Xildhibaanada Puntland ku doorteen 11-Senator oo ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka.

Rooble ayaa Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare, waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Senatarada maanta la doortay.

”Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.” auu yiri Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale ku bogaadiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Rooble ayaana Dowlad-goboleedyada dalka kula dardaarmay in ay dedejiyaan howsha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare , waxa uuna xusay in waqtiga is gurayo loona baahan yahay in lagu shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

WHO oo lumisay xiriirkii ay la lahayd isbitaalka Shifa ee Gaza iyo Walaac soo baxay

Cabdi Cade

Ukuntii ugu qaalisaneyd abid oo lagu kala iibsaday lacag aad layaabi doonto !

Cabdi Cade

(Sawirro) Ciidamada Ruushka oo dagaalka Ukraine u adegesanaya xeelado cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---