Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Maqaayad kutaala Baledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan oo ismiidaamin ah lagu weeraray maqaayad weyn oo kutaala agagaarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku helnay qof jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa weeraray iskuna qarxiyay maqaayada lagu magacaabo Xasan Dhiif oo kutaala meel ku dhaw xarunta gobolka iyo goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Maqaayada qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay aheyd mid mashquul badan oo xilligaasi joogeen masuuliyiin, ergo, wariyaal iyo dad kale oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada ammaanka kuwaas oo goobta ka wada howlgalo dadka waxyeelada soo gaartay loogu gurmanayo.#

Waxii warar kusoo kordha kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=s6n9zI19XO8

Related posts

Kulanka Baarlamanka ee Sabtida oo laga mamnuucay Warbaahinta & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil ka qaadis iyo magacabais sameenaya Saacadaha soo socda

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo shir kale ka daahfuray Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---