Rasaastii Ciidamada Dowlada ku fureen taliyihii hore ee NISA oo si kulul loo cambaareeyay

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa xalay rasaas ku furay gaadiid uu la socday taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare xili uu marayay isgoyska Miranaayada ee Degmada Cabdicasiis.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay rasaasta ciidanka dowlada ku fureen taliyihii hore ee ciidanka NISA oo hada kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in xaalka Soomaaliya uu hada is bedelay lagana dhaxlay in Madaxweyne uu weerar ku qaado Madaxweynihii ka horeeyay halka taliyana uu weerarayo taliyihii ka horeeyay.

”Waxaan canbaaraynayaa falka weerar ee lagu qaaday taliyihii hore ee Nabadsugida Qaranka Generaal C/raxmaan Tuuryare. Waxaan joognaa xilli madaxweyne kii uu xilka ku weeraray iyo taliye nabadsugid oo kii ka horeeyey xabadaynayo. Wax kale maaha ee waxay cadayn u tahay dhaqanka hoggaamiye kooxeednimo ee ina Farmaajo iyo kooxdiisa. Daandaansiga Farmaajo iyo kooxdiisa mid qof walba soo jeedinaya.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin rasaasta la sheegay in xalay ciidamo cusub oo dowlada geesay degmada Cabdicasiis ku fureen taliyihii hore ee ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Tuuryare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -