Hogaamiyaasha Soomaalida ee Qurbaha ka yimid iyo Beesha Caalamka !!

Soomaaliya waxay soo martay ayaan darooyin kala duwan dhibaatooyin iyo dhacdooyin musiibo ah oo ay ka mid tahay dagaal sokooye iyo abaaro sanafo badan dib u dhigay dalka.
 
2000 ilaa hada Sooomaaliya waxaa ka jiray dowlad ay beesha calaamku taageerto, waxa ayna dowladahaasi ka taageereysay Beesha caalamka dhanka dhaqaalaha iyo amniga.
 
Siniyad ah ayaan ugu mahadacelinayaa beesha caalamka taageerada ay na siiyaan darteed xaqiiqiyana abaal weyn ayaan uheynaa.
 
Mahamad Daahir Afrah oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa qoray buug uu magac uga dhigay “Dal dad waayey iyo Duni Damiir Beeshay” Hada waxaan dhihi karnaa beesha caalamku waxay qadanaysaa doorkeedii ku aadanaa dib u dhiska Soomaaliya oo run ahaantii la aantood maanta Soomaaliya dagaal sokooye ayey ku jiri lahayd.
 
Laakiin hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa ku fashilmay doorkoodii, waxa ayna hogaamiyayaashan noqdeen kuwa ka hormariyey danta gaarka ah tii guud waana ayaga kuwa aan talaab wanaagsan u qaadin dhanka daganaanta siyaasada, bulshada iyo dhaqaalaha si isku filan loo gaaro.
 
Beesha caalamka 2 ayey mid dooraneysaa waa mid iney daawadaan hogaamiyayaashan qayrul masuuliyiinta ah iney burburiyaan dadaladaan 20 ka sano iyo taageeradi la soo waday si Soomaaliya dib loogu dhiso ama talaab cad ayay ka qadayaan hogamiyayasha Soomaalida.
 
Hogaamiyayaashuna waxay kala dooran doonaan 2 waa mid iney beesha caalamka dhagaystaan waayo kan ku quudiyaa wuu ku maamulaa ama iney wajahaan cawaaqibka ka dhasha maangaabnimadooda dhanka siyaasada iyo hogaanka ah.
 
Dadka Soomaliduna waxay kala dooran doonaan 2 waa mid iney daawadaan hogaamiyaayasha qurba joogta ah oo duminaya dalka ka dibna ka dhooofaya ama iney kacaan oo ku qasbaan hogamiyayaasha iney miiska wada hadalka ku laabtaan oo ay la yimaadaan xal horseeda in awooda si dimuquraadiyad iyo nabad ah in loola kala wareeg.
W/Q Saciid Cabdi Faarax (Qalable)
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -