Golaha Wakiilada Puntland oo go’aan ka gaaray Mudo kororsiga Dowlada Federaalka

Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta kulan ka yeeshay mudo kordhinta ee Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen Dowlada federaalka Soomaaliya, waxa ayna golaha kasoo horjeesteen go’aanka golaha shacabka gaareen.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash ayaa ka qeyb galay kulanka golaha Wakiilada Puntland, Madaxweynaha ayaana Xildhibaanada uga war bixiyay shirarkii Muqdisho ee fashilka kusoo dhamaaday.

Kulanka golaha Wakiilada Puntland oo banaanka ka joogeen Warbaahinta ayaa markii dambe cod u qaaday go’aanka Dowlada federaalka mudada ku korarsadeen, waxa ayna Xildhibaanada Puntland kasoo horjeesteen mudo kordhinta.

Gudoomiyaha aqalka Wakiilada Puntland ayaa sheegay in 49-Xildhibaan ay diideen kana soo horjeesteen mudo kordhinta ay sameeyeen Xildhibaanada golaha shacabka halka uu diiday hal Xildhibaan sidoo kale ka aamuseen labo Xildhibaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey u diiday go’aanka Xildhibaanada golaha shacabka mudo labo sano ah ku korarsadeen, waxa uuna sheegay in talaabada Baarlamaanka qaaday uu halis galinayo dowladnimada Soomaaliya dalkana khalalaase ka abuurayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -