Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo dib ula Wareegay degaano ay bilo ka hor ka soo baxeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada Khaalid bin Waliid ayaa dib ula wareegay degaanada Ruunnirgood iyo Galcad ee gobolka Sh/dhexe.

Degaanadan iyo qaar kale ayey ciidamadu dib uga soo baxeen ciidamada Bilo ka hor istaraatiijiyad dagaal awgeed

Howlgalkan oo uu hoggaaminyay Taliyaha Guutada Khaalid Bin Waliid G/lle Maxamed Dhagaweyne ayey ciidanku sidoo kale gaareen degaanada Buurmuqle, Labi oow Xasan iyo deegaano kale kuwaasoo ahaa Dhul howd ah.

Ma  jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada xoogga dalka, iyadoo xoogagii Al-Shabaab ee ku sugnaa ay isaga baxeen sida wararku sheegayaan

“Sidoo kale ciidanka ayaa burburiyay fariismihii khawaarijta ee deegaanadaas si looga hortago dhagaraha cadawga khawaarijta ay u maleegaan shacabka soomaaliyeed” ayuu yiri G/lle Maxamed Dhagaweyne

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa gobolada dalka ka wada howlgallo ciribtir ah kuwaasoo guud ahaan dalka looga sifaynayo al-shabaab.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo macawisleyda ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan degaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud, iyagoo ku wajahan degaano ay maamulaan Al-shabaab oo haatan ay yaraatay awoodii ay ku lahaayeen gobolada dhexe.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

War Deg Deg Ah: Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo goordhaw bilaabatay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Diidan wax ka bedelka Dastuurka oo la kulmay Madaxweyne Xasan (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia oo Sheegay in aysan jirin Cid Muqdisho Marti ku ah

admin
Taboola Ads ---