Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Addis Ababa (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin,

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir, Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Suuqa Weyn ee Magaalada Hargeysa oo Dab xoogan ka kacay

Cabdi Cade

Madaxweyne Afrikan ah oo ka hadlay Sixir saameyn ku yeeshay Ciyaartoyda Qarankiisa

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo ka guuray xarunta Madaxtooyada iyo xog ku aadan halka uu degay

admin
Taboola Ads ---