Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi (Daawo Sawirro)

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xafiiskiisa magaalada Addis ababa kula kulmay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta booqasho ku tegay dalkaas.

Biixi oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Ahmed ay ka wadahadleen xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, sida uu yiri iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi siiba dhinacyada Ganacsiga iyo amniga.

Qoraal laga soo saaray xafiiska raisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Abiy Ahmed uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha maamulka Somailand iyo wafdigiisa oo labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo khuseeya xiriirka iyo danaha labada dhinac.

Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaana garoonka diyaaradaha magaalad Addis ababa ku soo dhoweeyay wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiddo iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

 

- Advertisement -