Kumuu ahaa Gen. C/llaahi X. Maxamed Ceynte oo ku geeriyooday dalka Turkiga ?

Waxaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga ILAAHAY ha u naxariistee Gen. C/llaahi Xaaji Maxamed Ceynte oo ka tirsanaa Saraakiisha ugu firfircoon ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Marxuum General Cabdullaahi Xaaji ayaa tan iyo sanadkii 1970-kii xilal iyo howlo kala duwan kasoo qabtay ciidanka XDS, isagoo horey usoo noqday Madaxa Xiriirka arrimaha dibadda ee ciidankaas.

ILAAHAY ha u naxariistee General Cabdullaahi Xaaji ayaa sidoo kale sanadihii ugu dambeeyay ahaa taliye ku-xigeenka howlgalada ay ku mideysan yihiin ciidamada, isagoo qeyb weyn ka qaatay dib u habeyntii iyo dib u dhiskii ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey taliska ciidanka xoogga dalka, saraakiil, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, kuwaasoo uu ka mid yahay RW Hore ee Somalia Xassan Cali Khayre oo Alle uga baryey marxuumka inuu janadii ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -