Duqa magaalada Muqdisho oo Weerar ku qaaday Xildhibaanada Aqalka sare

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdissho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa dhaliilay nidaamka loo maray dhismaha Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Cumar Filish ayaa sheegay in dhismaha aqalka sare markiisii hore loo maray nidaam sharci daro ah , waxa uu xusay in Aqalka sare dhismihiisa uu ku yaal Dastuurka balse kan hadda jira si nidaam daro ah loo dhisay lana boobay kuraasta qaar .

“ Waxaay aheyd in wixii la dhisaayo oo awood qeybsi ah in 4.5 lagu qeybsado ama tirada Gobolada lagu qeyb sado intaba lama sameyn, beel waxay qaadatay 8 midna 17, taas ayaa horta jirta marka beeshii 17 heysatay waxay rabtaa in ay difaacato oo aan laga qaadin waana cadaalad darro ayuu yiri” Cumar Filish.

Gobolka Banaadir ayaan wax xubno ah ku laheyn Xildhibaanada aqalka sare, waxaana xusid mudan in Baarlamaanka ansixiyeen in gobolka Banaadir in la siiyo 13 senator taas oo wali shaki la galinayo in ay meel marto maadaama maamulada qaar diidan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -