Warbaahinta Dowlada oo lagu daabacay Qoraal hadal heyn badan abuuray !!

Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa si ka duwan sidii loogu tala galay hada u shaqeysa, kadib markii xilka Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya loo magacaabay Cusmaan Dubbe oo si weyn ugu ololeenaya dib u doorashada Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Bogga Facebooka ku leeyahay Idaacada Qaranka ee Radio Muqdisho ayaa lagu baahiyay qoraal hadal heyn badan baraha bulshada ku abuuray kaa oo si weyn loogu dhaliilayay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Qoraalka lagu daabacay Bogga Radio Muqdisho ayaa la isku weediiyay awoodaha ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland kala hadlayaan Dowlada federaalka maadaama maamuladaasi diideen in dowlada ku wareejiyaan, ciidanka iyo ilaha dhaqaalaha.

Dad badan oo qoraalkan akhristay ayaana siyaabo kala duwan uga falceliyay, waxa ayna dadka badankooda sheegeen in laga fiican yahay in Warbaahinta Qaranka ka weecato wadadii sharciga aheyd ayna noqoto mid rabitaanka shaqsi xiligan  ku shaqeysa.

Halkan ka Akhriso Qoraalka lagu daabacay Bogga Radio Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe maxay tahay awooddaha Madaxda Dawladda Federaalka ay ka hadlayaan in la dhimo maadaama labaddaa maamul goboleed ay horey u diideen :-

 
* in Ciidamadda Dawladda Federaalka ka hawlgalaan deegaanadda labadaas Maamul.
 
* Labadaas Maamul waxay horey u diideen inay soo wareejiyaan dekedaha qaranku lahaa oo kamid ah awoodaha Dawladda Federaalka Somalia oo aheyd inay maamusho custom-ka iyo canshuuraha dekedaha qaranka.
 
* Labadaa Maamul waxay horey u diideen in xuduudaha iyo immigration-da garoomadda qaranka ee deegaanadda dawladda goboleedyadaasi dawladda Federaalka ah maamusho.
 
Labadaa dawlad goboleed waxay diidan yihiin in dalka doorasho ku salaysan heshiiskii 17 Sept iyo soo jeedintii guddiga farsamadda ee Baydhabo dalku aado, iyaga oo ka baqaya in haddii doorasho daahfurnaan ah ay dhacdo inay ku soo baxaan Xildhibaano aan ku afkaar ahayn, halka doorashadda Madaxweynaha Somalia-na xildhibaanada lasoo doorto cod qarsoodi ah ku dooranayaan, taasoo ay ka baqayaan in mar kale la doorto Madaxwayne Farmaajo oo haysta Aqlabiyadda shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -