Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Qoor-qoor ku soo arkay furumaha dagaalka degmada Ceelbuur?

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta safar kormeer ah ku gaaray difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa goobta kula kulmay Ciidamada Qalabka Sida, iyo saraakiishooda, halkaasoo uu socod dheer ku soo maray, asagoona u kuur galay xaaladda ciidanka war bixinna ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan laga xoreeyay degaanadaas.

Madaxweynaha ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada ku sugan furimaha isagoo kula dardaarmay in la sii wadi howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo ceyriyey Wasiirkii Difaaca Israel Yoav Gallant

Caydiid Ali

Baarlamaanka Puntland oo diiday in la iibiyo dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe

Cabdi Cade

Tijaabo lagu bilaabay Kaniini ay suurto gal tahay in looga maaro qalabka neefsiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---