Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha laami cusub (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada Xalane ee xiriirisa Muqdisho iyo degaanka Jaziira.

Waddadan oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimadda ayaa waxaa ku yimid burbur uu sababay Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay taasoo isticmaalkeeda noqotay mid halis ah.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo dadka degaanka ay iska kaashan doonaan dhismaha wadadan oo ay ku baxeyso lacag fara badan.

Munaasabada Dhagax dhiga waxaa goob joog waxaa ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan tirada lacagta la siiyay Xildhibaanadii kalsoonida kala noqday Kheyre

Cabdi Cade

Ku dhoawaad 100 xildhibaan oo ka hor yimid dhul boobka Muqdisho

Caydiid Ali

Maxaa kasoo baxay kulan Madaxweyne Xasan la qaatay Siyaasiyiin qorshihiisa diidan ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---