Shirkii Teendhada Afisiyooni oo maanta hal sabab darteed u baaqday

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid shirkii la filayay in Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ka jira  mar kale isugu yimaadaan teendhada xerada Afisiyooni.

Shirkan oo labo maalin socday ayaa shalay Madaxda ka nasanayeen, waxaana lagu waday in maanta oo talaado ah shirka dib isugu soo laabtaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada balse dib u dhac ku yimid.

Dib u dhaca shirkan ayaana sabab looga dhigay maqnaashaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariyr Qoor Qoor oo shalay u safray magaalada Dhuusomareeb, waxaana la filayaa in Qoor Qoor maanta Muqdisho kusoo laabto.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta uusan jirin shirkii Afisiyooni, waxaana agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya cadeeyay in shirkada Arbacada dib u furmayo kuna soo biirayo Madaxweynaha Galudug oo Muqdisho ka maqan.

“Shirka Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah ee lagu waday in maanta markale uu qabsoomo ayaa dib loo dhigay ilaa arbacada 7-da April 2021 waxaana kusoo biiraya Madaxweynaha DG Galmudug oo safar gaaban ku tagay Galmudug, balse wadahadallada gaar-gaarka ah ayaa sii soconaya Sidaasi waxaa yiri Agaasime Cabdirashiid.

Shirka horu dhaca ah ee teendhada Afisiyooni uga furmay ayaa madaxda shireysa uga baaraan degayaan ajandaha shir weyne ay isugu imaanayaan, mana jiro wax natooji ah oo kasoo baxay shirkii labada maalin ka socday teendhada Afisiyooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -