Vjosa Osmani oo loo doortay Madaxweyne cusub muddo shan sano ah (Sawirro)

Baarlamanka dalka Kosovo ayaa muddo shan sano ah xilka Madaxweynaha dalkaas u doortay haweeney

Xildhibaanada Baarlamanka oo ka kooban 120 Xubnood ayaa isugu yimid kalfadhi aan caadi aheyn muddo labo maalmood ah waxayna 71 cod siiyeen haweeneyda Vjosa Osmani, oo 38 jir ah horeyna u soo noqday afhayeenka baarlamaanka, wareegii saddexaad ee cod bixinta, halka 11 cod ay xumaadeen.

Laba xisbi mucaarad ah iyo xisbiyadda laga tirada badan yahay ee Serb ayaa qaadacay codbixinta.

Vjosa Osmani  ayaa Bishii Nofeembar si ku-meel-gaar ah u beddeshay Madaxweynihii hore ee Kosovo Hashim Thaci oo ahaa hoggaamiye kooxeed hubaysan intii lagu jiray dagaalkii Kosovo ee xorriyadda ka qaadatay Serbia dhammaadkii 1990-yadii, kaasoo is casilay ka dib markii uu wajahay dacwado la xiriira dembiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ay ku qaaday Maxkamad gaar ah oo fadhigeedu yahay Hague.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -