(Sawirro) Qarax ka dhacay tartan ay ka qeyb galayeen ciyaartoy ka kala timid 13 dal

Labo qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 19 kalena way ku dhaawacantay qarax Sabtidii ka dhacay goob lagu qabanayey tartan isboorti oo ku taal koonfur-galbeed Cameroon, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Sagaal ciyaartoy oo ku tartamayey tartanka orodka ee Race of Race of Cameroon ee magaalada Buea ayaa ku dhaawacmay, iyo sidoo kale 10 qof oo rayid ah, oo uu ku jiro ilmo yar, ayuu yidhi Bernard Okalia Bikai, gudoomiyaha gobolka koonfur galbeed.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada Buea, waxaana lagu daweynayaa, sida uu Okalia Bikai u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press

Dalka Cameron ayaa waxaa ragaadiyay dagaallo tan iyo sanadkii 2017-kii kooxaha gooni u goosadka ah ee ku hadla luqadda Ingriiskaoo hadafkoodu ahaa in ay ka go’aan dhulka ay ku hadlaan dadka ugu badan ee ku hadla afka Faransiiska iyo in la sameeyo dowlad madax bannaan oo ku hadasha afka Ingiriiska.

Dawladdu waxay ku eedaysay gooni-goosadka inay gaysteen gabood-falo ka dhan ah dadka rayidka ah ee ku hadla Ingiriisiga. Colaadda ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 3,300 oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 750,000 oo kale, sida ay sheegtay Q.M.

Mid ka mid ah kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka Sabtidii, laakiin wuxuu sheegay in ujeedku uu ahaa in lagu weeraro militariga.

“Bartilmaameedyadeena koowaad waxay ahaayeen militariga Cameroon kuwaas oo sugaya ammaanka ciyaartoyda. Waxaan ka xunahay in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen. Waanu sii wadi doonaa dagaalka lagula jiro millatariga meel kasta oo ay joogaan ilaa ay ka xoraynayaan dhulkeena,” ayuu yidhi Capo Daniel, ku xigeenka madaxa difaaca iyo afhayeenka ciidamada difaaca kooxda Ambazonia.

Tartankan sanadlaha ah ayaa u dabaal dagayay sanadguuradiisii 50-aad iyadoo ay ka qeyb galeen in ka badan 550 ciyaartoy oo ka kala socday 13 wadan. Tartanka ayaa socday wax ka yar 30-daqiiqo, waxaana markii uu qaraxu dhacay kala cararay orodyahanno iyo dad daawanayay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -