Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al-Shabaab oo Magaalo ku taalla dalka Mozambique ka qixisay 10 kun oo qof

Xiisad ayaa weli ka taagan magaalada Palma ee dalka Mozambique kadib markii muddo ka badan toddobaad ay weeraro dhimasho geystay ka fuliyeen maleeshiyaad la baxay Al-shabaab oo lala xiriiriyay ururka IS.

Ilaa hadda lamo ogo tirada dadka ku dhintay weerarkaas. Sidoo kale, waxaa jiraa warar soo baxayo oo ku saabsan in dagaallo ay weli ka socdaan Palma.

Ha’yadaha gargaarka waxay sheegeen in ku dhawaad 10,000 qof laga soo daadgureeyay magaalada lagu hareereysan yahay isla markaana la geeyay gobollada kale ee deriska ah.

Jimcihii waxaa la weeraray warshad shidaal oo ay leedahay shirkadda Total saacado uun kadib markii shaqaalaha shirkadda laga daadgureeyay halkaas.

Kumanaan qof ayaa weli ku dhuumaaleysanaya keymaha ku yaalla Palma iyagoo ka cabsi qabo in maleeshiyaadka ay beegsadaan, dadkaas oo u baahan hoy, biyo iyo cunto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Carbeed oo shaacisay in 500 milyan oo Dollar ku bixineyso dib u dhiska Gaza

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Lungu oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Dibed bixii ugu weynaa ee ka dhan ah Maraykanka oo ka socda Ciraaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---