Saacad Suuq xaraash lasoo dhigay oo Cabsi owgeed loo iibsan waayay !! (Sawirro)

Saacad abaal marin ahaan loo siiyay askar si adag talaabo uga qaaday dad ku mudaharaadayay fagaaraha Tiananmen Square ee ka dhacay magaalada Beijing sannadkii 1989 ayaa la waayay cid iibsata kadib markii lasoo dhigay suuq xaraash.

Shirkadda xaraashka ee Fellows ayaa sheegtay in shaqsigii lahaa saacada la xaraashayay  ay ku xardhan tahay “89.6 Xuska soo Afjariddii Fallaaganimada”  uu dib ugala noqday Suuqa kadib hanjabaadyo culus uu la kulmay.

Fariimo hanjabaadyo ah oo baraha bulshada lasoo marsiiyay ayaa keentay in la waayo qof ku dhiirada in uu iibsado saacadaasi , waxa sidoo kale hanjabaadyadaasi saameyn ku yeesheen shaqsigii suuqa xaraashka keenay saacada sida ay shirkada Fellows sheegtay.

Gudida xisbiga shuuciga ah iyo dawladda hoose ee  Beijin ayaa saacad abaal marin ahaan u siiyay askari katirsanaa ciidamada Shiinaha, waxa ayna shirkada xaraashka sheegtay in ruuxa saacada xaraashayay uusan shaqo ku laheyn dowlada iyo ciidamada Shiinaha.

Saacadan Suuqa xaraashka cabsi darteed dib looga celiyay ayaa xiiso gaar ah hada yeelatay, waxa ayna sheekada saacadan hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada iyo Warbaahinta caalamiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -