Ciidamada Kenya oo dad shacab ah ku qasbay in ay ku dabaashaad bulaacado !!

Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay in tacadiyo kula kaceen dad shacab ah oo ku dhaqan magaalo xeebeedka Mombasa xili halkaasi ka socdeen dabaal dega maalinta Halyeeyada dalka Kenya.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in ciidamada Kenya ay tacadiyo u geesteen dad shacab ah oo ku dhaqan magaalada Mombasa, waxa uuna Wargeysku sheegay in dadkaasi lagu qasbay in ay bulaacado ku dabaashaan.

Ciidamada Kenya ee sugayay amaanka magaalada Mombasa ayaa la sheegay in dad ay wadooyinka ku qabteen ku qasbeen in ay ku dabbaashaan bulaacada halka qaar kalena lagu qasbay inay ku galaan gashaan dhoobo.

Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Chikore ayaa u sheegay Wargeyska The Standard in ciidamo qabteen xili uu usii socday goob ay ka socotay munaasabada maalinta Halyeyda, waxa uuna xusay in ciidamada ku qasbeen in uu ku dabaasho bulaacad biyo wasakh ah.

Dowlada iyo laamaha amaanka dalka Kenya ayaan wali ka hadlin eedeymahan loo jeediyay ciidamada Kenya, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada  iyadoona dadku ka caroodeen hab dhaqanka ciidanka.

Tacadiyadan ee Ciidamada Kenya dadka shacabka ah ku dhaqaaqeen ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Kenya uu magaalada Mombasa uga qeyb galayay xuska maalinta halyeyda Kenya oo sanad kasta la xuso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -