Jabuuti oo jawaab ka bixisay hadal dhowaan ka soo yeeray Amiirka Al-Shabaab

Dowlada Jabuuti ayaa ka jawaabtay hadalkii kasoo yeeray amiirka kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Amiirka Al-Shabaab oo dhowaan soo duubay farriin ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu dalka Jabuuti ka dhigay goob reer galbeedku uga soo duulaan dalalka islaamka ah

“Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka  Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH.” ayuu yiri Aabuu Cubeyda

Madaxtooyada Jabuuti ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hadalka Al-shabaab uusan aheyn wax dhegaha dadka cusub.

“Ma aheyn wax lama filaan ah in hadal xun, eedeymo aan sal laheyn iyo hanjabaad ka timaada urur nabadda iyo xasiloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed halis ku ah.” ayaa lagu yiri qoraalka Jabuuti.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay tahay siina ahaan doonta saaxiib dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya iyo jilayaasha caalamiga ah ee dadaalka ugu jira inay gacan ka gaystaan xasilloonida Soomaaliya.

“Hanjabaad kasta oo si toos ah loogu jeediyo dalkeena Jabuuti waxaan u qaadan doonaa si dhab ah, si buuxda ayayna ugu diyaarsan tahay inay ka hortagto wax kasta oo halis ku ah amniga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Jabuuti oo sidan hoose u qornaa:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -