Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Puntland oo Xerada Xalane kula kulmay Staffan Tillander (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hotelka uu ka degan yahay xerada Xalane ku qaabilay safiirka dalka Sweden u jooga Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.

Kulanka dhax maray Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada looga hadlayo.

Madaxweynaha Puntland ayaana u sheegay Safiirka in maamulkiisa diyaar u yahay xal u helida doorashada la isku khilaafsan yahay, waxa uuna tibaaxay in Muqdisho maalmo badan u joogo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka doorashada ka taagan.

Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa dadaalo badan ugu jira sidii u qabsoomi lahaa shirka gogoshiisa taalo Teendhada Afisiyooni ee isugu imaanayaan Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada si heshiis looga gaaro doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo shan sano ka dib fasaxday ganacsiga Xoolaha Soomaalida

Caydiid Ali

Maxkamada Gobolka Banaadir oo Shaacisay lacagta lagu iibiyay kalluun ay ka dhigeen Ajaaniib

Cabdi Cade

Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo safar deg deg ah ugu ambabaxay Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---