Dowlad Carbeed oo shan sano ka dib fasaxday ganacsiga Xoolaha Soomaalida

Waxaa dib u bilowday dhoofinta xoolaha nool ee laga rarayo dekedda magaalada Boosaaso kuwaasoo loo rarayo dekeddaha dalka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa muddo shan sano ka badan waxa ay hakad gelisay in xoolaha nool ee ka iman jiray Soomaaliya loo raro dalkeeda ka dib markii ay uga shakiyeen cuduro.

Dekeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka furtay maanta dhowr doonyood oo sida ku dhowaad 2000 kun neef oo ari ah, kuwaasoo ku sii jeeda dekedaha dalka Imaaraatka carabta.

Ganacsatada xoolaha dhoofisa ee Magaalada Boosaaso ayaan sheegay iney buuxiyeen shurudo ay dowlada imaaraadku carabtku ku xirtay iney iibsato xoolaha Soomaalida, kuwaasoo la xiriira ilaalinta dhinaca tayada iyo caafimaadka xoolaha.

Go’aanka dowlada imaaraadku ku fasaxday xoolaha Soomaalida ayaa la sheegay inuu yimid markii dhowaan uu dalkaas booqday Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo madaxda dalkaas kala hadlay in la furo ganacsiga xoolaha Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -