Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadeynta Askarigii dilay George Floyd oo ka bilaabaneysa Maraykanka

Garsoorayaal ku sugan Magaalada Minneapolis ayaa bilaabaya iney dhegeystaan furitaanka doodaha maxkamadeynta, sarkaal caddaan ah oo lagu eedeeyay dilka George Floyd.

Derek Chauvin oo askari boolis ah ayaa beeniyay eedeymaha dilka ee isaga ka dhanka ah hase ahaatee waxaa laga Muuqaal isagoo qoorta uga fadhiya Mr Floyd

Muuqaalkaas oo soo sanadkii hore ayaa horseeday dibadbaxyo ka dhacay Mareykanka iyo caalamka, kuwaasoo lagu taageerayo dhaqdhaqaaqa nolosha dadka madow waa muhiim, (Black Lives matter).

Waxaa la sugay ammaanka dhismaha maxkamadda, iyadoo la geeyay ciidan ka tirsan Ilaalada Qaranka.

Floyd walaalkiis Philonise Floyd, ayaa telefishinka Mareykanka laga leeyahay ee CBS u sheegay, in qoysku ay diyaar u yihiin waxa ay kooxda is difaaceysa isku dayayaan inay goobta la yimaadaan.

George Floyd, oo ay da’diisu ahayd 46 sano, ayaa waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Somalia oo ka hadashay geeri ku timid danjire Axmed Xaaji Ducaale (Keyse)

Caydiid Ali

Puntland oo ka hadashay sida laga yeelayo Deni haddii uu soo waayo xilka Madaxweynaha DF

Caydiid Ali

Israa’iil oo xirtay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Urdun iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---