Dowlada Somalia oo ka hadashay geeri ku timid danjire Axmed Xaaji Ducaale (Keyse)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Maxamed Isxaaq Aadan, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse) oo noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee beeraha ee Soomaaliya iyo Safiir hore oo saaka aroortii hore oo Arbaco ah, 8 January, 2020 ku geeriyooday Magaalada Tucson ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka isagoo da’diisu ahayd 92 sano-jir.

Marxuum Axmed Keyse oo ku dhashay Degmada Burco ee Gobolka Togdheer sanadkii 1928 ayaa sanadkii 1938 waxa uu dugsiga hoose ka bilaabay Magaalada Berbera, iyadoo dugsiga dhexe uu ka dhigtay degmada Sheekh , waxa uu sanadkii 1948 deeq waxbarasho ah ka helay Kuliyadda Xantoob (Hantoub college) ee Magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka Suudaan oo u dhigmaysay Dugsi sare, afar sano kadib markii uu kuliyaddaasi dhammeeyay waxa uu u safray dalka Ingiriiska, isagoo sanadkii 1956 kaga qalin-jebiyay Jaamacadda Keel ee Waqooyiga England, darajo sharafeedka koowaad ee Dhaqaalaha.

Ahmed Haji Duale Abdullaahi (Ahmed Kayse) waxa uu ka mid ahaa afarta hoggaamiye ee ka soo jeedday Gobollada waqooyi galbeed ee dalka oo go’aansaday markii waqooyigu ka xorroobay gumaystihii Ingiriiska 26 June, 1960 in ay la midoobaan Gobollada Koonfureed ee ka xorroobay gumaystihii Talyaaniga 1 July, 1960, taasi oo suurragelisay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic) 1 July, 1960 oo mideysay Gobollada Waqooyi iyo kuwa koonfureed ee dalka ee gumaystuhu kala qeybiyay.

Marxuum Axmed Keyse ayaa noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee Beeraha ee Soomaaliya, isagoo xilkaasi hayay muddo labo sano ah oo ah (1960-1962).

Marxuumka ayaa ku waayay xilkiisa wasiirnimo codka kalsoonida oo ay u qaadeen Baarlamaanka sanadkii 1962, waxaase uu gebi ahaan iska casilay xilkii xildhibaannimo ee Golaha Shacabka isla sanadkaasi.

Marxuum Axmed Keyse ayaa sanadkii 1963 loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Germany.

Sanadkii 1964 waxaa loo wareejiyay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar.
Sanadkii 1968 waxaa loo wareejiyay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya ee Magaalada Caden, oo ahayd xilligaasi Caasimadda Jamhuuriyadda Shacbiga ee Yemen-ta koonfureed.
Sanadkii 1970 waxaa loo wareejiyay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Midowday (UK).

Sanadkii 1976 waxa uu noqday Agaasimaha Bankiga Islaamka ee xaruntiisu tahay Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Muddo seddex sano kadibna waxa uu guda-galay howlo shaqo oo isaga u gaar ah.

Axmed Kaysa oo Ifka kaga tagay afar caruur oo kala ah Xarbi, Khadra, Nuura iyo Ayaanle ayaa marna u ololayn kala qeybinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa uu had iyo jeer aaminsanaa in midnimada iyo wadajirka ummadda uu yahay muqadas aan la taaban karin, gor-gortanna aan la gelin karin, Soomaaliduna ay ka heshiin doonaan isfaham-waaga iyo kala aragti duwanaanshaha kala qoqobay , nolol nabadeed iyo barwaaqana ay ku noolaan doonaan.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -