Puntland oo eedeymo cusub u jeedisay Masuuliyiinta dowlada federaalka

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay falal lagu khalkhal gelinayo amniga ka wadi degaanadeeda.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku howlantahay burburinta nidaamka federaalka, isla markaana ay ku dhaqaalo ku bixinayaan arrintaas.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka dhaqaalo badan u adeegsatay sidii loo burburin lahaa Maamulka Puntland.

“Waxaa ay isku dayeen inay dadka fadqalalo ka dhex abuuraan, hub u dhiibaan iskuna diraan, iskana horkeenaan, muujiyaana bannaanbaxa Dhahar mid looga soo horjeedo Puntland” ayuu yiri wasiir Gallan.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri ”Ma aqbali karno wixii dhiigeenu ku baxay oo wakhtigeenu ku baxay, in shakhsiyaad magaca Soomaaliyeed wata oo waliba wakhtigoodii dhamaaday inay mar labaad kala irdheeyaan dadka soomaaliyeed”.

DF ayaa si weyn u dhaliishay banaanbax ka dhacay degaanka Dhahar ee Puntland, ka dib markii rasaas lagu furay dad ka cabanayey maamulka oo isku soo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -