Madaxda Maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulmay (Sawirro)

Waxaa goordhaw hotel kuyaala xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo qaar kamid ah Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya.

Kulankan xarunta Xalane ka dhacay ayaana ah mid looga hadlayay khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafkan horseeday in doorashada waqtigeeda ka dib dhacdo.

Wakiilada Beesha caalamka ayaana kala hadlay madaxda dowlad goboleedyada sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa doorashada, waxa ay sidoo kale wakiilada beesha caalamka ku bogaadiyeen madaxda Dowlad goboleedyada isfahamka ay gaareen.

Ilo ku dhaw dhaw kulanka ayaa laga soo xigtay in Madaxda maamul goboleedyada iyo Wakiilada beesha caalamka ee kulanka joogay isla soo qaadeen sida uu u qabsoomi lahaa kulanka teendhadad Afisiyooni iyo sidii damaanad loogu heli lahaa qodobada lagu heshiiyo.

Kulankan goordhaw dhax maray Madaxda dowlad goboleedyada iyo Wakiilada beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xili galabta kulan ku balan sanyihiin Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -