Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Markabkii xayiray Kanaal Suweys oo lagu guuleestay in marinka laga saaro (Sawirro)

Dadaalo maalmo badan socday kadib ayaa ugu dambeyn lagu guuleestay in laga saaro marinka Suweys Markab weyn oo nuuca kunteenarada qaado ah sabab u noqday in ay xayirmaan maraakiib badan oo kanaalkaasi ku kala gudbi jiray.

Markabka Ever Given oo dhirirkiisu gaarayay 400m (1,300ft) ayaa maalmo badan xayiray isku socodka marinka Suweys, waxaana ugu dambeyn xalay lagu guuleestay in laga jiido goobtii uu ku xayirnaa.

Waxaa rajo weyn laga qabaa in saacadaha soo socda maraakiib badan oo xayirnaa ay ku kala gudbaan marinkan muhiimka ah, waxaana xayirnaa maraakiib ganacsi oo saarnaayeen alaabo lagu qiyaasay balaayiin dollar.

Markabka Ever Given ee sababta u noqday in marinka Suweys xayirmo ayaa waxaa  saaran  xamuul gaaraya200,000-tan , waxaana markabkan saameyn ku yeeshay dabeelo xoogan oo ku dhuftay subaxnimadii talaadada ee isbuucii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Shabeel sagaal qof dilay oo lagu toogtay keynta Valmiki Tiger

Caydiid Ali

Wasiirka Caafimaadka oo su’aalo laga weydiiyey gaabis ku yimid..

Caydiid Ali

Fariimo cusub oo caawa loo diray Xildhibaanada Golaha shacabka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---