Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo howlgal qorsheesan fuliyay (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo deegaanka Daynuunay .

Howlgalkan ciidamada fuliyeen ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu baacsanayay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo mararka qaar jidka soo gala kuwaa oo fuliya weeraro ay u geestaan ciidamada wadadaasi mara.

Saraakiisha ciidanka milatariga howlgalka fuliyay hogaamineysay ayaa warbaahinta u sheegay in wadada ka sifeeyeen kooxda Al Shabaab sidoo kale sameeyeen balaarin wadada oo maristeeda dhibaato lagu qabay.

Al Shabaab ayaa weeraro u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq ka fuliya deegaano katirsan gobolka Baay, waxa ay sidoo kale Al Shabaab mararka qaar jidka u galaan gaadiidka ay wataan ciidanka dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan dexmaray Axmed Madoobe & taliyaha AMISOM oo faahfaahin laga bixiyey

Caydiid Ali

Tartanka Kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo galabta furmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo sheegay in Xajka aan Dalxiis loo aaday kana hadlay cabasho soo yeertay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---