Cumar Xasan Al-Bashiir oo la dhigay qeybta ICU ee Isbitaalka Khartuum

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa la soo weriyey in maanta loo gudbiyey Isbitaalka, gaar ahaan Qeybta Daryeelka Khaaska ee Intensive Care Unit (ICU), kadib, markii la sheegay inuu ku jiro Xaallad Khatar ah.

Warbaahinta dalka Sudan waxay soo tebiyeen in Madaxweynihii hore laga qaaday Xabsigii uu ku xirnaa,Ā  loona gudbiyey Qeybta ICU ee Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Barta Facebook ee Wargeyska Al Thayaar Ā waxa lagu daabacay inuu Walaalka Al-Bashir dalbaday inuu soo booqdo Walaakiisa xanuunsan ee Jeneral Al-Bashiir, iyadoo ay Maxkamadda oggolaatay Codsi uu u soo gudbiyey Qareenka Al-Bashir oo lagu magacaabo Abdirahman Khalifa

.Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jeneral Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir oo 79 jir ah waxa uu Talada dalkaasi hayey muddadii u dhexeysay sanadihii 1999 ilaa 2019, ka hor inta aan isagana xilka looga tuuray Afgembi Milliteri oo dhacay bishii April 11-dii ee sanadkii 2019-kii.

Haatan, Jeneral Al-Bashiir iyo Ku-xigeenkiisa,Ā  Cali Osman Daha, Jeneral Bakari Xuseen iyo Mas’uuliyiin caan ah waxaa lagu hayaaĀ  Xabsiga Dhexe ee magaalladda Khartoum,Ā  iyagoo ku eedeysan inay ku xadgudbeen Nidaamka Dastuuriga oo xukunkiisu gaarayo ilaa Dil.

Qalinka: Ustaad Nuradin Abukar Dini

- Advertisement -