Xaflad lagu soo dhoweynayey Xildhibaano ka tirsan federaalka oo Caawa Dhuusamareeb lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynayey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka federaalka Somalia ayaa caawa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxaa xafladan soo qaban-qaabiyey dowlad goboleedka Galmudug, iyado ay ka qeyb galeen Xildhibaano, Waxgarad, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameedyo, masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada.

Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb ee caawa goob jooga ka ahaa xafladan ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Xildhibaan Xuseen Iidow, Xildhibaan C/llaahi Faarax Weheliye  oo sidoo kale ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha dowlada federaalka iyo xubno kale oo ay ka mid aheyd Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahin (Xaliimo Yarey).

Waxaa kulankaas ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada federaalka oo maamulka Galmudug uga mahad celiyey sida sida diiran ee Dhuusamareeb loogu soo dhoweeyey, iyagoo ku amaanay amniga iyo horumarka ka jira magaalada Dhuusamareeb, waxayna balan-qaadeen inay  Baarlamanka federaalka gaarsiin doonaan waxyaabaha ay ku arkeen Dhuusamareeb.

Taliyihii hore ee NISA xildhibaan Jen. Gaafow ayaa si gaar ah uga mahad celiyey maamulka Galmudug sida habsamida leh ee ay maanta u dhacday doorashadii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb iyo sida diiran ee shacab iyo maamulba halkaas loogu soo dhoweeyey.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa isna ka sheegay munaasabadaas in magaalada Dhuusamareeb ay tahay magaalo u furan qof kasta oo Soomaaliyeed, maadaama ay tahay caasimada Galmudug, isagoo Xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda Galmudug ka codsaday iney ku dedaalaan sidii mashaariic horumarineed loogu sameyn shacabka ku dhaqan gobolada dhexe, waxaana xaflada caawa ay ku soo dhamaatay jawi aad wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -