Wasiirka amniga Somalia oo garab maray go’aan uu horey u ansixiyey golaha Wasiirada (Akhriso)

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumada Somalia Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa dib u habeyn ku sameeyey maamulka Wasaaradiisa, gaar ahaan agaasimayaasha iyo madaxda waaxyaha.

Wareegto ka soo baxday Wasiir ducaale ayaa waxaa xilalka loogu kala bedelay agaasimayaasha waaxyaha qaarkood, iyadoo sidoo kale la magacaabay agaasime waaxeedyo cusub.

Mid ah masuuliyiinta uu xilalka u magacaabay Wasiirka amniga ayay wararku sheegayaan in uu kamid ahaa shaqaalaha baarlamanka Soomaaliya oon wali xitaa Wasaarada Amniga aan loo soo wareejin.

Dhinaca kale, qaabka uu wasiirka amniga dib u habeynta ugu sameeyey Maamulka wasaaaradiisa ayaa waxay khilaafsan tahay shax uu horey u ansixiyey golaha wasiirada xukuumada Somalia, taasoo loogu talo galay in lagu saleeyo qaab dhismeedka maamulka Wasaarada Amniga, waxaana iska cad in wasiirku ka talaabsaday nidaamkii golaha wasiiradu dejiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -