Duqa Muqdisho oo ka degay Magaalada Baydhabo & Xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ka dhici doono shirka Amniga Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka shirkani inuu yahay mid daba socda shirarkii kal hore lagu qabtay magaallada Muqdisho. Isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed in ay ka soo bixi doonaan.

Shirkan oo socon doonna labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Qaranka, Madaxweyneyaasha Maamullada Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -