Allbanaadir.com
NEWS

Dil goor dhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga

Nin darawal ka ahaa gaari caasi ah ayaa goor dhow xiligii afurka ka dib lagu dilay afaafka hore ee xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Somalia oo ku taalla jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka darawalkan uu ka dambeeyey askari ka tirsan ilaalada xarrunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Askariga oo ku sugnaa laamiga hormara Wasaarada iyo darawalka ayaa waxaa la soo wariyey inuu dhexmaray muran, waxaana darawalka la amray inuu ka soo dego gaariga, markii uu amarkaas qaatayna waxaa la sheegay in isla goobta lagu toogtay.

Meydka darawalkan oo magaciisa la oran jiray Farxaan Jeeni ayaa laga qaaday goobta waxaana la geeyey xarunta dembi barista Booliska ee CID.

Askariga falka dilka ah geystay ayaa markiiba ka baxsaday goobta, iyadoo saraakiil ka tirsan Wasaarada gaashaandhiga oo dhacdadan ku soo baxay ay sheegeen iney ku daba jiraan askariga dilka geystay, marka la soo qabtana cadaalada marin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Khayre oo saaka gudoomiyey Shir muhiim ah oo lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Agaasimaha Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed & xubno kale oo la magacaabay (Magacyada)

Caydiid Ali

Shir Xasaasi ah oo ka dhan ahaa kooxda Daacish oo Boosaaso ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---